Soomaaliya oo heshay agab caafimaad oo lagula dagaallamayo COVID-19

0
270

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa xalay ka soo degtay diyaarad sidday qalab caafimaad iyo dawooyin loogu tala galay in lagula tacaalo caabuqa Korona feyras.

Jack Ma, oo ah bilyaneer ka soo jeeda shiinaha islamarkaana ah milkiilaha shirkadda Alibaba ayaa dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto ugu deeqay agab caafimaad si wax looga qabto cudurka dunida wada gaaray ee COVID-19.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, Maxamed Saciid Cabdullaahi, iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Cabdixakiim Cabdullahi Cumar Camey, ayaa ku sugayey deeqdan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Masu’uuliyiinta ayaa deeqdan ka guddoomay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mr Qin Jian oo ay dalkiisa ka timid deeqda loogu talagalay dalalka Afrika.

Gargaarka ayaa waxaa qayb ka ah qalabka dadka looga baaro cudurka Korona iyo qalabka ay isticmaalaan dhakhaatiirta ka howlgala xarumaha caafimaad iyo goobaha lagu baaro dadka looga shakiyo cudurkan saf-mareenka ah.

Warkan Waxaa noo heysa Rahma Salaad Abdullahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here