Dawladda Soomaaliya ayaa markii u horreysay gudbisay toddobo heshiis oo caalami ah ,kuwaaso ku aaddan xaquuqda Shaqaalaha.
Munaasabad ka dhacday Talaadada maanta xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo habka fogaan aragga uu uga qeybgalay Agaasimaha Guud ee Hayāadda Shaqaalaha Adduunka (ILO) , Guy Ryder iyo saraakiil kale ayaa si rasmi ah wuxuu Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax uu ku gudbiyay toddobo heshiis.
āWaa dhacdo taariikhi ah, waxay Soomaaliya maanta hormuud ka noqotay toddobo heshiis oo caalami ah oo la xiriira xaquuqda Shaqaalaha.ā ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray ā Dadaal badan ayaan galinay,waana tallabo ka marqaati kacaysa sida ay nooga goāantahay xaquuqda iyo horumarinta Shaqaalaha.ā
Heshiisyadan maanta ay xareysay hayāadda caalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka ILO waxaa qeyb ka ah Caafimaadka iyo Bad-qabka Shaqaalaha, Xaq-dhowrka Shaqaalaha muhaajiriinta,la-dagaallanka dhibaateynta iyo handadaada Haweenka shaqeeya iyo iskaashiga saddex geesoodka, ee Dawladda, Loo shaqeeyaha iyo Shaqaalaha.
āWaa wax cajiib ah in Soomaaliya ay ansaxisay toddobo heshiis ee ILO.ā ayuu yiri agaasimaha guud ee Hayāadda ILO, Guy Ryder ā Tallaabadan waxay muujineysa sida ay Soomaaliya uga goāantahay horumarinta nabadda iyo soo kabashada adkeysiga leh iyada oo loo marayo shaqo hufan.ā ayuu raaciyay.
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa dabayaaqadii bishii December ansaxiyay toddobada axdi oo qeyb ka ah heshiisyada urur-weynaha Shaqaalaha ee ILO,kuwaa oo muhiimad u leh maābaadiida aasaasiga ah iyo xaquuqda Shaqada.
Munaasabadda lagu gudbiyay toddobaad heshiis waxaa goob-joog u ahaa xoghayaha xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliya, Mudane Cumar Faaruq Cusmaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdullahi Maxamed Cali iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda. Waxaa sidoo kale habka fogaan aragga uga qeybgashay munaasabadda Safiirka Dawladda Soomaaliya ee Dalka Switzerland, Abyan Maxamed Saalax.