Soomaaliya iyo Tuniisiya oo ka wadahadlay xiriirka labada dal

0
220

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo teleefoon kula xiriiray dhiggiisa Tuniisiya si uu ugala hadlo dhowr arrimood

Labada wasiir ayaa intii ay teleefoonka ku wada hadlayeen waxa ay xaqiijiyeen adkaynta xiriirka walaaltinimo iyo wadatashiga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah heer carbeed iyo afrikaan intaba.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu muujiyey sida ay dowladdiisu u tixgelinayso kaalinta fir-fircoon ee ay Tuniisiya ciyaareyso iyadoo ah xubin aan joogto ahayn oo ka tirsan Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay muddo xileedka sanadaha 2020 illaa 2021, ee difaaca danaha iyo arrimaha dalalka Carabta iyo Afrikaanka ee Golaha ku jira, iyo ka qayb qaadashada xal u raadinta nabadeed iyo amni ee wadamada Carabta iyo qaaradda Afrika.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda , Socdaalka iyo Qurbajoogta Tuniisiya ayaa muujiyay sida ay Tuniisiya u taageerayso geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo dhowridda midnimadeeda dhuleed oo ah wax faa’ido u ah dadka Soomaaliyeed, amnigiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here