Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay Arrimaha xuquuqul insaanka

0
237

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta qaabishay u qeybsanaha xuquuqda Aadanaha xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM Christine Young, ayagoo ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin dardargelinta wada shaqeynta arrimaha xuquuqul insaanka dalka.

Kulanka waxaa ka qeybgalay agaasimaha guud ee wasaaradda mudane Isxaaq Xaashi Jimcaale, agaasimaha waaxda xuquuqda Aadanaha mudane Axmed Cabdi Cumar (Borile) iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala tirsan wasaaradda iyo UNSOM.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta ayaa kormeerka xarunta ololaha xaqiijinta qoonddada haweenka ee 30% ee doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here