Soo laba kacleynta Corona ee dalalka qaar oo jahwareer hor leh abuuray

0
446

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Waxaa jira hadal hayn ah in cudurka covid19 uu ku soo rogaal celinaya dalal u haystay inay xakameeyeen. Arrintan ayay in badan ka digayeen seynisyahannada iyo Hay’adda Caafimaadka Addduunka ee WHO

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHo waxay sheegtay inuu faayraskan cusub, xakameyntiisuna ay u baahan tahay “dadaal ballaadhan”.

Waddamadi la yimid xeelado iyo hababa ay ku xakameeyaan cudurka safmarka ee coronavirus iyaga oo u maraya baaritaan, dabagal iyo maareynta xayiraadaha oo ay ka mid yihiin dalalka Kuuuriyada Koonfureed iyo Japan oo qaaradda Asia ku yaalla, iyo Jarmalka oo ku yaalla Yurub ayaa haatan laga soo sheegayaa marki ay xayiraadaha dabciyeen inuu cudurka uu markale ku laba kacleeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here