Slot Oo Ka Warbixiyay Xaalada Alisson Iyo Mac Allister

0
5

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tababaraha kooxda Liverpool Arne Slot ayaa qirtay in goolhayaha reer Brazil Alisson Becker ay u badan tahay in uu dhaawac muruqa ah muddo ku maqnaado kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Crystal Palace ee sabtidii.

Alisson ayaa la bedelay daqiiqadii 79-aad ee ciyaarta ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray muruqa, halka Liverpool ay dhaawac kale ka soo gaartay garoonka Selhurst Park, iyadoo Alexis Mac Allister uu dhaawac gumaarka ah ka soo gaaray qeybtii hore ee ciyaarta.

Slot ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray Alisson in uu aadi doono waajibaadka xulka qarankiisa Brazil wuxuuna sheegay in goolhayaha aysan u badneyn inuu diyaar u noqdo kulanka Chelsea ee 20 October laakiin waxa uu sheegay in dhaawaca Mac Allister uusan ahayn mid halis ah.

“Waxa ugu dambeeyay ayaa ah in aanan garanayn laakiin waxa aan ognahay ayaa ah in hadii uu ciyaartogu uu boxo sida uu u baxay waxa ay la macno tahay in aanu aadi doonin xulka Brazil sidoo kale ma filayo in uu ciyaaro kulanka ugu horeeya ee kadib fasaxa xulalka”ayuu Slot yidhi.

“Waa inaan sugno oo aragnaa, laakiin waxay qaadan doontaa dhowr toddobaad, waxaan u maleynayaa inuu soo laabanayo. Waxaan u maleynayaa inay tahay [muruqa muruqa].

“Isagoo la hadlaya Mac Allister, Slot wuxuu ku daray: “Waxa uu u baxay dhaawac dartiis, laakiin hada ma qiimayn karno xaalada”.

“Wuxuu sii wadi karay ciyaarta, sidaad aragteen, sababtoo ah ma dhicin hal ilbiriqsi ka hor qeybta nasashada, laakiin xoogaa aad ayuu u dareemay, wuxuuna sheegay inuusan u maleyneynin inay fiican tahay in uu sii ciyaaro”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here