Singapore oo Adeegsanaysa Tiknolojiyadda Aqoonsiga Wejiga

0
314

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dalka Singapore ayaa noqonaya dalkii ugu horreeyay dunida ee adeegsada caddeynta aqoonsashada wejiga.

Hannaanka aqoonsiga dadka ayaa u sahlaya dadka dalkaas inay helaan adeegyada gaarka ah iyo kuwa dowladda.

Waaxda teknoljiyadda ee dowladda Singapore ayaa sheegtay in dhaqan-gelinta tallaabadan ay muhiim u tahay dhaqaalaha casriga ah ee dalkaas.

Waxa uu habkani cusub gacan ka geysanayaa in uu hubiyo shaqsiyaadka dhabta ah meeshana ka saaro xogaha been abuurka ah ee ay suuragalka tahay in laga sameeyo shakhsiyaad aan jirin.

Shirkadaha teknoljiyadda ee dalalka Mareykanka iyo Shiinaha ayaa beryahan dambe u wareegay dhanka aqoonsiga wejiga.

Tusaale ahaan, app-ka bankiyo badan ayaa taageera Aqoonsiga Wejiga ee shirkadda Apple amaba adeegga aqoonsiga wejiga ee Google, sidoo kale shirkadda Alibaba ee Shiinaha ayaa iyadana leh app qofka laga doonayo inuu dhoolla caddeeyo si uu wax u iibsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here