Shirweynaha Hal-abuurka ganacsiga KG Oo Maanta Ka Furmay Baydhabo.

0
61

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr.Ibrahim Adam Ali(Somow) ayaa furey shir weynaha dhiirigelinta Waxsoo-saarka, Maalgashiga iyo Hal- abuurka oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Ururka dhalinyara Hal -abuurka Southwest Innovation Hub .

Shirka oo ay ku casumnaayeen dhammaan ganacsiyada yar-yar, Bangiyada ganacsi sida: IBS Bank, Premier Bank , midnimo microfinance, RaasFMI, dhalinyaro halabuur sameyatey, iyo guud ahaaan qeybaha waxsoosaarka.

Agaasimaha ayaa ku booriyey ka qaybgalayaasha in fikrado cusub ay keenaan si loogu raadiyo maalgelin iyo in la isbaro iyaga iyo hey’adaha maalgelinta ka shaqeeya sida bangiyada.

Agaasimaha ayaa amaaney doorka Southwest Innovation Hub , ay ku dhiirigelineyso dhalinyarada hal-abuurka leh iyo tawabarida iyo la talinta joogtada ay ugu sameyneyso guud ahaan ganacsiyada yaryar ee ka howlgala deegaanada Koonfur galbeed.

Shirka ayaa sidoo kale ku soo biirey, wasiirada: Amniga, Warafaafinta iyo Duqa magaalada Baydhabo ahna Guddoomiya Degmada Mudane Abdullahi Ali Watiin, qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Qorsheynta iyo Batroolka.

Masuuliyiintaan ayaa amaaney dowrka wasaaradda iyo ururka SWIH, iyagoona bogaadiyey kulamadan oo kale in la badiyo.

Gegabebadii shirka ayaa lacago abaalmarin ah lagu gudoonsiyey, tartamayaal hal-abuur guuleystey la yimid, iyadoo shirkadihii ka qaybqaatey qabsoomida shirkana la gudoonsiyey shahaado sharaf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here