Shirkadda Netflix oo shaacisay inay raqiis ka dhigayso adeeggeeda si uu qof walba u isticmaalo.

0
168
A laptop computer screen displaying the Netflix homepage stands against an illuminated screen bearing the company logo in this arranged photograph in London, U.K., on Tuesday, June 26, 2018. Addressing a room filled with New Delhis business elite earlier this year, Netflix Inc. Chief Executive Officer Reed Hastings offered a prediction: His companys next 100 million customers will come from India. Photographer: Chris Ratcliffe/Bloomberg via Getty Images

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Shirkadda Netflix ayaa sheegtay in ay iskaashi la samaynayso shirkadda Microsoft si ay macaamiisheeda ugu keento adeeg ka raqiisan sidii hore oo dadka isticmaala ay arki doonaan xayeysiimo.

Qorshahan ayay shirkaddan wayn ee filimada laga daawado kusoo “kordhin” doontaa adeegyadeedii horay u jiray, oo ahaa kuwo aysan xayeysiin ka muuqan jirin.

Ilaa hadda shirkaddi shaaca kama aysan qaadin inta ay la ekaan doonto lacagtala raqiisiyay ee loogu talogalay adeegga cusub.

Netflix ayaa ku dhawaaqday tallaabadan kaddib markii ay soo tebisay hoos u dhaceedii ugu horreeyay ee dhinaca tirada macaamiisha, muddo toban sano ah gudahood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here