Shirkadda dawooyinka Koonfur Afrika ee Aspen oo bilowday soo saarista tallaalka COVID-19

0
242

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Shirkadda dawooyinka soo saarta ee Aspen ee laga leeyahay Dalka Koonfur Africa ayaa bilowday soo saarista 400 oo malyan oo ah talaalka xanuunka Covid-19 ah oo loogu talagalay dalalka Africa.

Si howshaasi ay bilowday shirkadda loo dardar geliyo, shirkaddu waxay maal gelin balaaran ka heshay dowladda Mareykanka.

Madaxa horumarinta hay’adda iyo maalgalinta caalamiga ee Mareykanka Mark ayaa sheegay in shirkadda Aspen ay heli doonto 712 Malyan oo dollar oo ay ku soo saarto talaalka COVID-19.

Dalalka Afrika ayaa hadda si deeq ahaan ah ku hela talaalka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here