Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Shirkadaha Shiinaha qaar ee iibiya dhulka iyo guryaha ayaa sheegay in ay lacag ahaan u qaadan doonaan cunto. Arrintan oo taagan dhowrkii bil ee la soo dhaafay ayay uga golleeyihiin inay ku soo jiitaan macaamiil.
Shirkaduhu waxay xayaysiiyeen heshiisyo ay dadka ugu oggolaanayaan inay isticmaalaan wax-soo-saarka beeraha – oo ay ku jiraan qaraha iyo toonta – xilliyada ay lacagaha ugu horreeya ka bixinayaan guryaha cusub.
Iibka guryaha ee Shiinaha ayaa hoos u dhacayay 11 bil oo xiriir ah, iyadoo isbuucaan mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ay iska bixin waysay deymihii lagu lahaa.