Shirkada Apple oo wada qorshe looga hortagayo in la jabsado IPhone-ka

0
164

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Shirkadda Apple ayaa soo saartay hab cusub oo ay ku hagaajinayso cilladaha amniga ee aaladaha iPhone, iPad iyo Mac, kuwaas oo ay sheegtay in laga yaabo in tuugadu si fudud uga faa’ideystan.

Mas’uuliyiinta Shirkaddan teknolojiyadda ayaa warka ay soo saareen ku sheegay in software-ka cusub uu samaynayo cusboonaysiinta amniga oo muhiim ah, waxaana lagula talinayaa dhammaan macaamiisha inay ku dhaqaaqaan cusboonaysiinta.
Cilladda ayaa u oggolaan karta tuugada inay si buuxda u xakameeyaan qalabka.

khubarada soo saare yaasha ah ayaa soo jeediyay cusboonaysiinta, waxaana loo diyaariyay iPhone 6s iyo ka dib, iPad Pro, iPad Air 2 iyo ka dib iyo iPad gen 5th iyo ka dib. Waxa kale oo diyaar u ah iPad mini 4 iyo noocyada dambe iyo iPod touch (jiilka 7aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here