Shirkad Si Online ah Guriyaha u kireysa Oo Markii ugu horeysay laga Hirgeliyey Baydhabo.

0
156

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Muddo sannado ah, waxaa dhinac kasta oo nolosha ah ka socda isbadallo leh saameyntooda toggan ama taban. Waxaa isbadalay sida loo qaban jiray shaqooyin badan, waxaana inta badan saaciday arrintaasi tiknolojiyadda tallaabsatay. Soomaaliya, shaqooyinka shalay iyo maanta waa kala heer, nuucyadda ganacsigana waa bad oo waxaa laga hirgaliyay dalka fikrado wax –ku-ool ah oo loo aayay. Dad badan ayaa aaminsan in hal-abuurka Soomaalidu uu marayo halkii ugu sarreysay, islamarkaana bulshadda oo ka soo kabanaysa dagaalo la timid fikrado dhaxal gal ah

Ganacsiga, waxaa laga guuray dhaqamo iyo habab qadiimi ah oo loo ganacsan jiray, waxaana la qaatay xeelado ganacsiyeed oo la jaan-qaadaya tiknolojiyada maanta.

Iibinta guriyaha iyo kireyntooda, waxa uu ahaa hannaan la wada yaqaan cidda ka shaqeysa iyo wadada loo maro. Xirfadleyda dalaaleyda ah ayaa u dhaxeyn jiray qofka guriga iibsanaya ama kireynaya iyo iibsadaha ama laga kireeyaha.

Warkung Waliba nig haaye Abdyqaadir Mohamed Nor War’ady

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here