Shirkad fadhigeedu yahay Dubai oo kumannaan doolar ku iibsatay sawirka gabadhan yar

0
246

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Sawirka gabadhii yarayd ee internet-ka caanka noqday, ayaa lagu iibiyey lacag gaareysa $ 74,000 oo doolar. Waxaa iibsatay shirkad Muusigga sameysa.

Shirkadda iibsatay waxaa la yirahdaa 3F Music, waxa uuna fadhigeedu yahay Dubai.

Chloe Clem, oo hadda 10 jir ah, ayaa sannadkii 2013-kii aad ugu baahday internet-ka iyadoo laba jir ah, ka dib markii hooyadeed ka duubtay muuqaal ay si layaab leh ay kaga falcelineyso safarkii layaabka lahaa ee Disneyland ay iyada iyo hooyadeed ku tageen.

Sawirka ayaa tan iyo markaas noqday mid aad loogu wadaago internet-ka oo caan ah. Waxaa loo iibin doonaa qaab lagula wareegaya sawirka dhijitaalka ah ee asalka ah.

Shirkadda NFT waxay bixisaa shahaadada dhijitaalka ah ee lahaanshaha sawirka, waxayna u oggolaanaysaa in noocyadii hore ee asalka ahaa ee ku jira internetka loo iibiyo sida inay yihiin sawirro caadi ah.

Bishii Sebtember 2013, Chloe hooyadeed Katie ayaa soo gelisay internet-ka muuqaal muujinaya labadeeda gabdhood oo ka falcelinaya kadiska dalxiis ay ku tageen Disneyland.

Mid ka mid ah gabdhaha, Lily, ayaa bilawday oohin, ayay tiri, “Balse markaa kaamirada ayaa is wareejisay oo Chloe waxay ka badashay wejigeeda, waxayna u ekaatay qof ilka dhaadheer, inta kalana internet-ka ayaa ku daray.”

Muuqaalka ayaa la daawaday in ka badan 20 milyan oo jeer, halka falcelinta Chloe uu noqday dareen internet oo aad u ballaaran oo si weyn ay u isticmaalaan dadka adeegsado alaadaha kala duwan ee internetka.

“Waxaan furay Tumblr waxaana arkay kaliya bogag badan oo ay ku jiraan wejiga Chloe,” ayay hooyadeed u sheegtay BBC-da.

“Waxay ahayd arrin aad u la yaab badan. Qoyskayga iyo asxaabtayda ayaa ii soo dirayay sawirkan xusuusta mudan – illaa maanta waxay ii soo diraan sawirka Chloe marka ay internetka ku arkaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here