Shirkad duulimaad oo hakisay qaar kamid ah duulimaadyadeeda cabsi darteed

0
245

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Shirkadda duulimaadyada ee United Airlines ayaa ku dhawaaqday inay hakineyso duulimaadka 24 diyaaradood oo ah nooca Boeing 777 kadib markii mid kamid ah matoorada diyaaradahaas ay cillad ku timid waxyar un kadib markii ay duushay.

Sababta arrintan ayaa lagu sheegay inay tahay sidii loo sameyn lahaa baaritaan dheeraad ah oo la xiriira waxa sababay in uu ololo matoorka diyaaradda, loogana baaqsado in shil noocaas oo kale ah uu dhaco markale.

Hey’adda duulimaadyada ee Mareykanka FAA ayaa amartay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo diuyaaradaha noocoodu yahay Boeing 777 ee ay ku rakiban yihiin matoorada ay sameyso shirkadda Pratt iyo Whitney

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here