Shirkad diyaarad oo ku xadgudubtay dad Muslimiin ah oo la ganaaxay

0
267

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Shirkadda Delta ayaa loo ganaaxay xadgudub ay ku sameysay saddex qof oo heysta diinta Islaamka oo si khasab ah looga saaray diyaarad ay doonayeen in ay ku safraan.

Waaxda gaadiidka ee dalka Mareykanka ayaa ganaax lacageed oo gaaraya $50 kun oo doolar, dul dhigtay shirkadda Delta, ka dib markii ay ku xadgudubtay qaar ka mid ah rakaab saarnaa diyaaraddeeda oo Muslimiin ah.

Shirkadda Delta ayaa loo ganaaxay xadgudub ay ku sameysay saddex qof oo heysta diinta Islaamka oo si khasab ah looga saaray diyaarad ay doonayeen in ay ku safraan.

Dadkan ayaa la sheegay in ay mareen goobaha la isku baaro ee shirkadda, Sidoo kalena in mas’uuliyiinta Delta ay u oggolaadeen in ay safraan, balse markii dambe laga dejiyay diyaaradda.

War qoraal ah oo ka soo baxay shirkadda Delta ayay ku beenisay in ay fuquuqday dadkaas Muslimiinta ah, balse waxaa ay qiratay in xaaladda si ka wanaagsan loo maareyn karay.

Waaxda gaadiidka dadweynaha ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in shirkadaas ay ku xadgudubtay sharciga, waxayna ku amartay in Delta ay shaqaalaheeda siiso tababar la xiriira sida loola tacaalo waxyaabaha la xiriiro dhaqanka iyo diimaha kala duwan.

Dhacdooyinka ay la kulmeen sadexda qof ayaa kala dhacay marar kala duwan, waxaa mid ka mid ah ay dhacday bishii Luulyo ee sannadkii 2016-kii, xilligaas oo qoys Muslimiin ah laga saaray duulimaadka shirkadda Delta.

Mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ayaa sheegay in uu aad ula yaabay dabciga qoyskaas Muslimnimada ay ka muuqatay, wuxuuna intaa raaciyay in uu ka shakiyay.

Shaqaalahan katirsan Delta ayaa sheegay in uu arkay qof ka mid ah dadkaas oo taleefoonkiisa gacanta ku qoray farriin ay ka muuqato magaca Alle, taasina ay shaki badan ku beertay.

Gabadhii shaqaalaha ahayd ayaa arrinti ku wargelisay kaptanka diyaaradda, wuxuu isna ku wargeliyay qeybta ammaanka qaabilsan.

Haseyeeshee mas’uuliyiintii qaabilsanaa ammaanka shirkadda diyaaradda ayaa sheegya in dadkaas ay yihiin kuwa u dhashay Mareykanka, aysanna jirin sabab looga argagaxo, balse kaptankii ayaa diiday in ay raacaan diyaaradda, kana soo saaray gudaha diyaaradda laba qof oo Muslimiin ahaa ee wada socday.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in kaptanka diyaaradda uu ka dhaga adeegay, una muuqday qof dadkaas rakaabka ahaa ku dhibaateeyay diinta ay heystaan aawadeed.

Dembiga kale ee loo heysta Delta ayaa dhacay shan maalmood kahor go’aanka gudidga, wuxuuna ka dhacay Magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here