Shirka Hormarinta Xoolaha Dalka oo Magaalada Baydhabo lagu Furay

0
337

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Shirkan ay soo qaban qaabisay Wasaarada Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada baydhabo ee xaruunta gobalka baay, waxaana si toos ah u dahfuray madaxweynaha Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, waxaana ka soo qeyb galay wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wasiirada wasaaradaasi ee dowlad gobaleedyada dalka iyo Hay,addo kala duwan.

Madaxweynaha koonfur galbeed oo shirka furay ayaa ka hadlay muhiimada ay u leedahay shirkan wasaaradaha xanaanada xoolaha dalka, sidoo kale waxaa goobta ka hadleen masuuliyiin kala duwan oo shirka goob joog ka ahaa.

Warkan waxaa noo heya Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here