Shirka Wax ka qabashada Shuban biyood ka dilaacay Buur-hakaba oo Baydhabo ka dhacay.

0
63

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka KGS ayaa qabatay Shirkii Todobaadlaha ahaa ee Gurmadka Abaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS) oo looga hadlaayey Dardar gelinta Kaalmada Bani’aadanimo ee la gaarsiiyey Deegaanada Koonfur Galbeed, kulankaas oo ka dhacay Xarunta Cusub Wasaaradda ee Magaalada Baydhabo.

Shirka waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Kgs Mudane Wasiir Abdinasir Abdi Arush ayaa Gudoomiyey Shirka Todobaadlaha ee isku xirka Arimaha Macaawinada oo lagu soo bandhigay Qorshaha yaraynta iyo Maareynta Arimaha Masiibooyinka iyo sidii wax looga qaban lahaa shuban biyoodka ka dilaacay Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay.

Warkung Waliba nig haaye Abdyraamang Yusuf Hasyng

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here