Shir ay ka qeyb-galayaan Madaxda Dowadda, Dowlad Goboleedyada & Beesha Caalamka oo maanta furmaya

0
209

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa lagu wadaa in Maanta oo Isnin ah in uu furo Shirka Madasha Iskaashiga ee Partnership Forum, kaas oo ay ka qeyb-galayaan Madaxda dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Shirka oo ku qabsoomi doono dhinaca Internet-ka ee Aalada Zoomka ayaa waxaa uu ajandihiisu yahay  ka hadlida Arrimaha doorashooyinka, Amniga, sii wadida dib-u-habeynta garsoorka ganacsiga dhaqaalaha, horumarka xagga deynta cafinta laga gaaray iyo  kasoo kabashada duufaan ku dhufatay meel kamid ah dalka.

Shirka ayaa waxaa khudbado ka jeedin doona, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ay kamid yihiin Wakiilka QM ee Somalia James Swan, Wakiilka Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira.

Sidoo kale Xubnaha dhinaca dowladda ee shirka ka qeyb-galaya ayaa waxaa kamid ah, Ra’iisul Wasaare Rooble, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed, & Wasiirada, gaashaandhigga, Amniga, Cadaaladda, Dastuurka, Haweenka & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo yareey.

Shirkan ayaa marka hore waxaa uu qorshuhu ahaa in uu ku qabsoomo Magaalada Muqdisho, hayeeshee la shegay inay ka cudur daarteen Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland, taas oo keentay in lagu balamo inAalada Zoobka lagu qabto, waxaana uu kusoo aadayaa xilli weli lagu muransan yahay doorashooyinka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here