Shilal baabuur oo ka dhacay dalka Turkiga.

0
158

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Holwadeenno ka tirsan  shaqaalaha gurmadka deg deg ah ee dalka Turkiga ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay koonfur bari dalkaasi kadib markii loo soo sheegay inay shil galeen dad saarnaa gaari bas ah oo marayay deegaanka Gaziantep.

Isku dar labada shil ee ka dhacay dalka Turkiga ayaa lagu soo waramaya inay ku geeriyoodeen 32 ruux oo iskugu jira, dad rayid ah, shaqaalaha gurmadka deg deg ah iyo wariyaal.

Shil saddexaad oo ka dhacay magaalada Mardin ayaa waxaa sidoo kale ku dhimatay 16 ruux, waxana ku dhaawacmay 29 ruux kuwaasoo 8-d ka mid ah dhaawacooda uu yahay mid liita sida u sheegay wasiirka  caafimaadka dalka Turkiga Fahrettin Koca.

Dowladda Turkiga ayaa ilaa hadda la hadal sababta keentay shilalkan gaadiid ee ka dhacay dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here