Shiinees sababay in laga kala cararo maxkamad ku talla kenya oo lagu qaadayay dacwad loo haysto.

0
261

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Maxkamad ku taalla magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya ayaa ku qasbanaatay inay dib u dhigto kiiska saddex eedeysane Shiinees ah oo gudaha maxkamadda soo galay iyagoo xiran dharka difaaca jirka, sida uu baahiyay telefishinka NTV.

Saddexdooda ayaa lagu eedeeyay inay isku dayeen inay laaluushaan dadka baaritaanka ku sameynaya musuqmaasuqa lagu sameeyay mashruuca waddooyinka tareenka ee Kenya.

Labiska eedeysanayaasha ayaa cabsi geliyay dadkii ku sugnaa maxkamadda kuwaasoo isaga cararay goobta sida uu baahiyay NTV, sababtoo ah waxay ku khaldeen saraakiisha caafimaadka oo raadinaya qof qaba xanuunka coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here