Shiinaha oo shimbiro Ayaxa cuna u diraya dalka Pakistan

0
338

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Shiinaha ayaa ka fikarayo in ilaa 100,000 oo shimbirta nooca boolaboolada loo yaqaan uu geeyo dalka deriska ah ee Pakistan, si shimbirahaasi ay gacan uga geystaan Ayax fara ba’an ku haya beeraha dalkaasi.
Dowladda dalkaasi Pakistan ayaa Ayax awgii xaalad deg deg ah ku dhawaaqday horraantii bishan, waxa ayna sheegtay in Ayaxii ugu ba’naa uu hadda ku habsaday dalkaasi.
Khabiir ku takhasusay arrimaha beeraha oo arrintan wax badan ka og ayaa sheegay in halkii Boolaboola ahba ay cuni karto in kabadan 200 oo xabbo oo Ayax ah maalintiiba, sidaa awgeedna ay ka waxtar badan tahay sunta lagula dagaallamo Ayaxa.
Haseyeeshee khubarada qaar ayaa shaki gelinaya waxtarka shimbirtani.
Ayaxa ayaa sidoo kale dhibaato ba’an ku hayay waddamda ku yaal bariga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here