Shiinaha oo Diiwaangeliyay Bukaankii Ugu Horreeyay ee Laga Helay Hargabka Shimbiraha

0
264

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Saraakiisha caafimaadka dalka Shiinaha ayaa sheegay in ay diiwaangeliyeen kiiskii ugu horreeyay ee qof uu haleelo dureyga amaba hargabka shimbiraha.

Bukaanka laga helay xanuunka ayaa ah 41 jir kaas oo laga helay nooca loo yaqaanno H10N3 kaas, waxana la dhigay isbitaal si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo.

Saraakiisha caafimaadku wax faahfaahin ah kama aanay bixin sida xanuunkani uu ku qaaday ninka.

Balse waxay sheegeen in ninka laga helay xanuunka oo ka soo jeeda deegaanka Zhenjiang, haatan xalaadiisa caafimaad ay tahay mid wanaagsan islamarkana dhawaan uu ka bixi doono isbitaalka.

Waxaa jira noocyo badan oo kamid ah hargabyada shimbiraha oo ay suuragal tahay in ay ku dhacaan dadka gaar ahaan kuwa dhaqda digaagga iyo shimbiraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here