Shiinaha oo Afrika u ballanqaaday in uu soo gaarsiin doonto agab caafimaad

0
316

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Madaxweynaha Koofur Afrika, Cyrill Ramaphosa ayaa sheegay in dowladda Shiinaha Afrika u ballanqaadday 30 milyan oo agab caafimaad ah oo lagu baaro COVID19, ay soo gaadhsiin doonto qaaradda Afrika.

Ramaphosa ayaa sheegay in shirkadaha Shiinaha ay bil walba Afrika soo gaarsiin doonaan 10.000 oo ah agabka ay bukaannadu ku neefsadaan iyo 80 milyan oo ah maryaha sanka lagu duubto, walow aanan la carrabaabin in agabkaasi yahay mid deeq ah amaba beec ah.

Agab yarida caafimaad gaar ahaan kuwa lagu baaro xanuunka COVID 19 oo ay ugu horreeyaan agabka ay bukaannadu ku neefsadaan ayaa ah kuwo aad ugu yar qaaradda Afrika.

54-ka dal ee qaaradda ayaa ilaa iyo haatan diiwaan geliyay ilaa 141535 kiis halka 4069 ruuxna ay u geeriyoodeen xanuunka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here