Shaxda Xulka England Ee Kulanka Czech Republic Oo La Soo Dusiyay

0
205

Jack Grealish iyo Harry Maguire ayaa lagu wadaa inay ku bilowdaan shaxda xulka England ee kulanka Czech Republic, halka Bukayo Saka laga yaabo inuu ku bilowgo garabka midig ee weerarka.

Grealish ayaa badali doona Mason Mount kaas oo seegaya halka uu Maguire ku bilaaban doono booska Tyrone Mings inkasta oo uu xiddiga Aston Villa si fiican u ciyaaray tartanka ilaa haatan.

Kabtanka Man United ayaa muujiyay taam ahaanshihiisa waxana la filayaa in uu helo daqiiqado kulankan ka hor wareega 16-ka tartanka Euro 2020.

Xiddiga Kyle Walker ayaa la filayaa in uu ku soo laabto daafaca Midig isaga oo booska kala baxaya xiddiga Reece James.

Lama filaanka ugu weyn ayaa noqon doona in uu xiddiga Arsenal ee Saka ku bilaaban doono shaxda isaga oo ka horayn doona xiddiga Jadon Sancho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here