Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

0
138

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Waxa la soo afjaray todobaadkii 8-aad ee horyaalka premier League iyada oo la ciyaaray kulamo xiiso leh oo ay xiddigo wacdaro dhigeen.

Arsenal, chelsea iyo Man City ayaa gaadhy guulo muhiim ah sidoo kale kooxaha West Ham, Everton iyo Liecester City guulo gaadheen kulamadii todobaadkan.

Newcastle United ayaa sidoo kale guul weyn ka gaadhay kooxda Fulham halka ay kooxaha Liverpool iyo Man United dhibco lumiyeen todobaadkan

Kooxaha Leeds Vs Aston Villa iyo Bournemouth Vs Brentoford ayaa bar-baro galay kulamadii todobaadkan ee premier League.

Kadib kulamadii la ciyaaray shabakada BBC ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka horyaalka premier League.

Kooxda Everton ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig halka ay kooxaha Everton iyo Arsenal min 2 xiddig ku leeyihiin shaxda.

Kooxaha Chelsea, Newcastle, Brighton iyo Liverpool ayaa shaxda ugu fiican todobaadka ku leh min hal xiddig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here