Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray

0
273

Liverpool ayaa cadaadiska ku sii kordhisa Man City tartanka loogu jiro horyaalka premier League kadib markii ay Man City dhibco lumisay kulankii Palace halka ay Liverpool garaacday kooxda Brighton.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Man United Cristiano Ronaldo ayaa kaligiis guul ku hogaamiyay Man United isaga oo ka caawiyay in ay ka talaabasadaan kooxda Tottenham.

Kooxda Leeds ayaa guushii ugu horaysay la gaadhay tababareheeda cusub xilli ay Arsenal ku soo laabatay kaalinta 1-aad ee kala saraynta kadib markii ay si ku meel gaadh ah ugu wayday Man United.

Chelsea ayaa daqiiqadii ugu dambaysay guul ka gaadhay kooxda Newcastle United xilli ay West Ham garaacday kooxda Aston Villa xilli ay Wolves garaacday kooxda Wolves

Kadib kulamadii todobaadkan ee Premier League waxa la soo saaray shaxda ugu fician todobaadka premier League iyada la soo xushay xiddigaha qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Kooxaha Liverpool, West Ham iyo Brentford ayaa shaxda ku leh min laba xiddig halka kooxaha Man United, Chelsea, Wolves, Arsenal iyo leeds United shaxda ku leeyihiin min hal xiddig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here