Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

0
500

Kooxda Hogaaminaysa horyaalka premier League ee Man City ayaa xasuuqday kooxda ay jaarka yihiin ee Man United iyaga oo u jawaabay guushii ay Liverpool ka gaadhay kooxda West Ham.

Dhanka kale kooxda Arsenal ayaa garaacday kooxda Watford iyaga oo si Rasmi ah u galay kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Chelsea ayaa dhankeeda guul qaybtii dambe ka gaadhay kooxda Burnley xilli ay Tottenham xasuuqday Everton xilli ay Aston Villa ka badisay kooxda Southampton.

Kooxda Newcastle United ayaa sii wada guulaha xidhiidhka ah iyaga oo garaacay kooxda Brighton xilli ay Brentford garaacday kooxda Norwich City.

Leiceter City ayaa dhankeeda garaacday kooxda Leeds United xilli ay Crystal Palace guul ka gaadhay kooxda Wolves.

Kadib kulamadii todobaadkan BBC ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka horyaalka premier League.

Kooxaha Man City iyo Chelsea ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh min 3 xiddig halka kooxahaa Leicester City, Newcastle United, Aston Villa, Brentford iyo Arsenal ku leeyihiin shaxda min hal xiddig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here