Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

0
243

Hogaamiyayaasha premier League ee Man City ayaa 1/0 uga badiyay Wolves Halka ay kooxaha ugu sareeya dhamaan guul wada gaadheen premier League todobaadkan.

Kooxda kaalinta 2-aad ku jirta ee Liverpool ayaa 1/0 ku garaacday kooxda uu hogaamiyo Halyeeyga kooxda ee Steven Gerrard halka ay Chelsea guul 3/2 ah ka gaadhay kooxda Leeds United.

Man United ayaa garaacday Norwich City halka ay West Ham lumisay dhibco kadib bar-baro ay la gashay Burnley.

Dhanka kale Leicester City ayaa xasuuqday Newcastle United halka ay Arsenal dhaaftay Southampton iyada oo Everton guuldaro 3/1 ah kala kulantay Crystal Palace.

Kooxda Brentford ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay guul soo laabasho leh ka gaadhay Watford jimcihii iyaga oo 10 daqiiqo gudohood ku gaadhay guul wax ku ool ah.

Kadib dhamaadka todobaadka premier League waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadka horyaalka premier League iyaga oo la soo xushay xiddigaha ugu fiican.

Kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Leicester City ayaa shaxda uu fiican todobaadka ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh min laba xiddig.

Halka Kooxaha Man United, Arsenal, Crystal Palace iyo Brentford shaxda ku leeyihiin min hal xiddig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here