Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

0
333

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Chelsea ayaa hogaanka u qabatay premier League kadib markii ay guul ka gaadhay kooxda Southampyon xilli kooxaha Liverpool iyo Man City bar-baro 2/2 ah ku heshiiyeen.

Kooxda Man United ayaa bar-baro 1/1 ah ku dhaafi wayday kooxda Everton xilli ay Arsenal sidoo kale bar-baro 0/0 ah la gashay kooxda Brighton todobaad ay kaliya chelsea ka badisay kooxaha waaweyn.

Kooxda Mucjisada ee Brentford ayaa ka badisay kooxda West Ham halka ay Wolves 2/1 uga badisay Newcastle United iyada oo Leeds 1/0 ku garaacday Watford.

Ugu dambayn Tottenham ayaa 2/1 kaga badisay Aston Villa xilli ay Burnley bar-baro la gashay kooxda Norwich City halka ay Crystal Palace bar-baro la gashay Leicester City.

Kadib kulamadii todobaadkan waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadka premier League waxana shaxda ku leh xiddigaha ugu badan kooxaha Cheslea, Man City iyo Tottenham kuwaas oo min 2 xiddig ku leh.

Dhanka kale kooxaha Brentford, Leeds, Liverpool iyo Everton ayaa dhankooda shaxda ku leh min hal xiddig kuwaas oo dhamaystiray shaxda ugu fiican todobaadka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here