Shaxda Ugu Fiican Ee Laga Sameeyay Saxiixyada Ilaa Haatan Suuqa Xagaaga.

0
146

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo kooxo badan sameeyeen saxiixyo fiican kuwo kalena isha ku hayaan ka hor inta aanu suuqu xidhmi.

Saxiixyo ay ka mid yihiin Haaland, Nunez, Pogba, Mane iyo kuwo kale oo badan ayaa haatanba dhacay iyada oo kooxo badan sameeyeen saxiixyo fiican.

Xilli bilowgia xilli ciyaareedka cusub aad u dhawyahay in uu bilowdo waxa sii xoogaysanaya dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga xagaaga.

Waxa la soo saaray shax laga sameeyay xiddigaha ilaa haatan lala kala wareegay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo la adeegsaday sida ay u kala fiicnaayeen xilli ciyaareedkii hore.

Sidoo kale waxa shaxda ku jira xiddigo qaab xor ah ugu biiray kooxohooda cusub kana mid yihiin Pogba, Rudiger iyo xiddigo kale oo badan.

Kaydka: Stefan Ortega (Man City), Fabio Vieira (Arsenal), Darwin Nunez (Liverpool), Romelu Lukaku (Inter), Franck Kessié (Barcelona), Richarlison (Tottenham).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here