Shaxda Man United Kaga Hor Tagi Karto Leicester City.

0
584

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Man United ayaa ku soo laabanaysa ciyaarista premier League maanta oo sabti ah iyaga oo la ciyaari doona kooxda Leicester City.

Xiddiga Edinson Cavani ayaa ah xiddiga kaliya ee la xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka sabab la xidhiidha dhaawac.

Tababare Ralf ayaa haysan doona koox buuxda oo uu ka soo xulan karo shaxdiisa uu kaga hor tagi doono Leicester City kulan ka dhici doona garoonka Old Trafford.

Man United ayaa u baahan in ay guul ka gaadho kulanka xilli ay baacsanayso kaalinta 4-aad ee loogu soo boxo tartanka champions League ee xilli ciyaareedka dambe.

Ralf Ragnick ayaa la filayaa in uu nasiyo xiddigaha Fred iyo Telles maadama ay khamiistii u ciyaareen xulkoosa Brazil intii lagu jiray fasaxa xulalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here