Shaxda Laga Yaabo In Ay Man United Kaga Hor Tagto West Ham

0
265

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Man United ayaa kulan adag la ciyaari doonta kooxda Man United kulan ka tirsan horyaalka premeir League todobaadkii 28-aad ee horyaalka premier League.

Red Devils ayaa isha ku haysa in ay sii wad baacsiga ay ku hayso hogaamiyayaasha horyaalka premier League ee Man City marka ay marti galin doonto West Ham.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa la filayaa in uu bilaa weeraryahan ahaado kulankan maadama ay xiddigaha Martial, Rashford iyo Cavani u badantahay in ay seegaan kulanka.

Laakiin tababare Ole ayaa la filayaa in uu ku soo galo shax adag si uu kooxdiisa ugu hogamaiyo guul ay ku sii xejistaan kaalinta 2-aad ee ay kaga jiraan horyaalka.

Man United ayay hor taalaa shaqo adag hadii ay doonayaan in ay guul ka gaadhaan kulanka maadama ay kooxda West Ham qaab ciyaareed cajiib ah ku jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here