Shaxda Laga Yaabo In Ay Liverpool Kaga Hor Tagto Wolves Kulanka Caawa.

0
951

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta kooxda Wolves kulan ka tirsan horyaalka premeir League todobaadkii 28-aad ee xilli ciyaareedka.

Reds ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha premier League kadib markii ay laba guuldaro oo xidhiidh ah kala kulmeen chelsea iyo Fulham.

Tababare Klopp ayaa haysta koox buuxda oo uu ka soo xulan karo shaxdiisa maadama ayna xiddigo cusub ka dhaawacmin kaliyana ka maqan yihiin xiddigihii horay uga dhaawacnaa.

Klopp ayaa la filayaa in uu markii ugu horaysay tan ilaa bishii October khadka dhexe ee kooxdiisa premier League ku bilaabo xiddiga Fabinho.

Sidoo kale xiddiga Jota ayaa la filaaya in uu hogaamiyo weerarka maadama uu xiddiga Roberto Firmino dhaawac uga maqan yahay kooxda.

Liverpool predicted line-up vs Wolves: Fabinho to remain in midfield?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here