Shaxda Laga Yaabo In Ay Barcelona Kaga Hor Tagto Real Sociedad.

0
255

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Barcelona waxa ka maqnaan doona dhawr xiddig oo kooxda 1-aad ah kulanka ay caawa la ciyaari doonaan kooxda Rea Sociedad kana tirsan furitaanka xilli ciyaareedkooda horyaalka La Liga.

Saxiixooda cusub ee Sergi Aguero ayaa dhaawac ku seegi doona sidoo kale xiddigaa Ousmane Dembele, Marc-Andre ter Stegen, Oscar Mingueza & Ansu Fati ayaa sidoo kale seegi doona kulanka.

Xiddiga ugu weyn ee ka maqnaan doona kulanka caawa ayaa ah Lionel Messi kaas oo ka tagay kooxda Barcelona kadib markii uu ku biiray kooxda PS markii uu dhacay heshiiskiisa kooxdu.

Sidoo kale xiddigaha Clement Lenglet & Frenkie de Jong  Ayaa sidoo kale dhaawac ku seegi doona kulanka caawa ee muhiimka u ah kooxda Barcelona iyada oo uu Goolhaye Neto ku bilaaban doono goolka.

Laakiin saxiixa cusub ee kooxda Memphis ayaa la filayaa in uu ku bilowdo shaxda Barcelona waliba kooxda u ciyaaro kulankiisii ugu horeeyay ee horyaalk La Liga xilli ciyaareedkan.

Shaxda Laga Yaabo In Ay Barcelona kaga hor tagto Real Sociedad:

Neto; Dest, Pique, Araujo, Alba; Roberto, Busquets, Pedri; Memphis, Braithwaite, Griezmann.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here