Shaxda Laga Yaabo In Ay Barcelona Caawa Kaga Hor Tagto Real Sociedad Spanish Super Cup-ka.

0
420

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Barcelona ayaa caawa kooxda Real Sociedad la ciyaari doonta kulan adag oo ka tirsan Semi-finalka tartanka Spanish Super Cup-ka.

Barcelona ayaa isha ku hayasa in ay iska xaadiriso Finalka kulanka caawa soo gali doona 11 habeenimo ee wakhtiga geeska Africa.

Wiilasha Koeman ayaa kulanka soo galaya iyaga oo si aad ah u doonaya in ay gaadhaan Final-ka tartana Spanish Super Cup markii 24-aad ee taariikhdooda.

Barcelona ayaa sanadkii hore tartanka kaga hadhay wareegan laakiin waxa ay tartanka ku guulaysteen 13 jeer waana in ka badan koox kasta oo Spain ah.

Koeman ayaa la filayaa in uu ku soo galo shaxdiisa ugu adag si uu u gaadho final koob xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee uu hogaaminayay kooxda

POSS BAR XI vs. SOC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here