Shaxda Laga Yaabo In Arsenal Kaga Hor Tagto Rapid Vienna.

0
245

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Arsenal ayaa u safri doonta apid Vienna kulan ka tirsan Europa League, Mikel Arteta ayaana laga yaabaa inuu is badal weyn ku sameeyo shaxdiisa.

Saxiixa cusub ee Thomas Partey ayaa la filayaa in lagu bilaabo shaxda markii ugu horaysay halka da’yarka qaab ciyaareedka fiican ku jira ee Eddie Nketiah lagu bilaabi doono weerarka.

Gunners ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Man City sabtidii waxana la filayaa in uu Mikel Arteta is badal ku sameeyo shaxdiisa.

Goolhaye Bernd Leno ayaa la filayaa in uu sii haysto shaxdiisa xilli uu Mikel Arteta doonayo in uu guul ku bilowdo tartanka Europa League.

Wargayska The Sun ayaa saadaaliyay shaxda laga yaabo in ay Arsenal ku ciyaarto kulanka caawa:

Arsenal's likely lineup against Rapid Vienna

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here