Shaxda Isku Dhafka Labada Kooxood Ee Man City Vs Man United Oo La Soo Saaray.

0
221

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kulanka Manchester Derby ayaa ka mid ah kulamada xiisaha leh ee todobaadkan ka dhici doona horyaalka premier League marka dib loo bilaabo ciyaraha kooxaha kadib fasaxii xulalka.

Kooxda Man City ayaa marti galin doonta kooxda ay jaarka yihiin ee Man United kulan ka tirsan todobaadkii 9-aad ee horyaalka premier League.

Labada kooxood ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira kulamadii ugu dambeeyay ee ay ciyaareen tartamada oo dhan.

Labada kooxood ayaa ku hubaysan xiddigi fiican kuwaas oo waliba ku jira qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.

Ka hor kulankooda adag waxa la soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood iyada oo la adeegsanayo xiddigaha qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Kooxda Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 7 xiddig halka ay Man United ku leedahay kaliya 4 xiddig shaxda isku dhafka ah ee labada koox.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here