Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Chelsea & Arsenal Ka Hor Final-ka FA Cup-ka

0
373

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Arsenal & Chelea ayaa sabtida isaga hor iman doona Finalka FA Cup-ka iyada oo labada Tababare ee Mikel Arteta & Frank Lampard raadinayaan koobkoodii ugu horeeyay xirfadooda tababaranimo

Gunners ayaa finalka FA Cup-ka gaadhay kadib markii ay 2/0 ku garaaceen kooxda difaacanaysay koobka ee Man City iyaga oo soo bandhigay kulankoodii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan.

Dhanka Chelsea ayaa 3/1 ku garaacday kooxda Man United iyaga oo iska xaadiriyay Finalka tartanka FA Cup-ka markii ugu horaysay tan ilaa 2018.

Mikel Arteta ayaa is badal ku sameeyay kooxda Arsenal tan ilaa markii uu noqday tabaabraha halka ay Chelsea shaqo fiican qabatay inkasta oo ay xiddigo da’yar ah ku ciyaarayeen iyaga oo iska xaadiriyay champions League xilli ciyaareedka dambe.

Labada kooxood ayaa haysta xiddigo badan oo tayo leh heer caalami-na ah wargayska Sports Mole ayaa soo doortay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ka hor kulankooda Sabtida.

Wargayska ayaa kaliya soo xushay xiddigaha taamka u ah kulanka ee ciyaari kara waxana xiddigaha ugu badan ku leh Chelsea.

Combined XI: ARS vs. CHE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here