Shaxda Ay Chelsea Kaga Hor Tagi Karto Burnley.

0
249

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda chelsea ayaa maanta la ciyaari doonta kooxda Burnley kulan ka tirsan premier League iyada oo Blues doonayso in ay sii wado guulaha iyo baacsiga kooxaha Liverpool iyo Man City.

Blues kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira xaal adag iyaga oo aan mustaqbalkooda garanayn iyada oo Milkiilohoodu suuqa dhigay waliba aan ilaa haatan la garanayn cida iibsan doonta.

Si kasta ha ahaatee Blues ayaa doonaysa in ay sii wadato guulaha premier League si ay u sii wadaan in ay baacsadaan kooxaha ka horeeya ee Man City iyo Liverpool.

Chelsea oo Burnley bar-baro wakhti dambe ah kala kulantay kulankii qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa doonaysa in ay iska ilaaliso lama filaan kale oo uga yimaada kooxda Burnley.

Tuchel oo is badal weyn ku sameeyay shaxdiisa kulankii FA Cup-ka ee bartamaha todobaadka ayaa la filayaa in uu shaxdiisa ku soo celiyo hubkiisa culus si ay guul ugu hogaamiyaan kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here