Shaxda Ay Arsenal Kaga Hor Tagi Karto Shakhtar Donetsk.

0
49

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi)Arsenal waxaa ka maqnaan doona Martin Odegaard kulanka Champions League ee ay caawa la ciyaarayaan Shakhtar Donetsk.

Kabtanka Gunners ayaa weli la maqan dhaawac jilibka ah oo ka soo gaaray bishii September markii uu u ciyaarayay Norway.

Kooxda Mikel Arteta ayaa sidoo kale loo badinayaa inay ka maqnaan doonaan Bukayo Saka iyo Jurrien Timber, maadaama labaduba ay seegeen tababarkii galabnimadii Isniinta.

Saka ayaa la dhibtoonayay dhaawac muruqa ah oo uu ka soo gaaray u ciyaarista xulka qaranka England intii lagu jiray fasaxii xulalka ee dhawaa.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa lagu qasbay intii ay socotay guuldaradii England ka soo gaartay Greece 10kii October wuxuuna seegay guushii Saddexda Libaax ee Finland seddex maalmood ka dib.

Timber ayaa dhaawac ku maqnaa tan ilaa bilowgii bishan iyada oo Arteta xaqiijiyay in uu xiddigu ka cabanayo dhaawac muruqa ah.

Daafaca ayaa seegay guushii ay Arsenal ka gaartay Southampton 5-tii October ilaa haatanna uma uusan ciyaarin kooxda.

Halkan Kaga Bogo shaxda ay Arsenal kaga hor tagi karto Shakhtar Donetsk

Arsenal: Raya; White, Saliba, Gabriel, Calafiori; Havertz, Jorginho, Rice; Sterling, Jesus, Martinelli

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here