Shax Ugu Fiican Ee Laga Sameeyay Saxiixyada Ay Kooxaha Premier League Sameeyeen Ilaa Haatan Suuqa Xagaaga.

0
206

Kooxaha Premier League ayaa mar kale suuqa galiyay lacago badan ilaa haatan ay kula soo wareegeen xiddigo cusub oo ay ku xoojinayaan kooxohooda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedkan.

Kooxda chelsea ayaa saacado ama maamlo yar kadib ku dhawaaqi karta saxixia xiddiga ugu qaalisan suuqa xagaagan premier League iyaga oo 115 milyan oo euro kula soo wareegaya xiddiga Romelu Lukaku.

Shabakada The Sun ayaa soo saartay shaxda ugu fiican ee laga sameeyay saxiixyada ay sameeyeen kooxaha premier league ilaa haatan suuqa xagaagan iyaga oo soo qaatay xiddigaha ugu waaweyn.

Kooxaha Man United, chelsea iyo City iyo Arsenal ayaa sameeyay saxiixyo waaweyn iyaga oo kooxooda ku soo daray xiddigo wacdaro dhigay xilli ciyaareedkii hore si ay u xoojiyaan kooxdooda.

Sidoo kale kooxaha Aston Villa, Leicester City iyo Tottenham ayaa shaxd ku leh xiddigo kadib markii ay si fiican u xoojiyeen kooxohooda ilaa haatan suuqa xagaaga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here