Shaqaale jabiyay sharciga Covid 19 oo laga eryay Tvga CNN

0
228

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Telefishinka CNN ayaa shaqada ka ceyriyay saddex shaqaale ah oo soo galay xarunta telefishinka Mareykanka ee New York iyagoo aan la tallaalin.

Qoraalka CNN ee shaqaalaha aan la tallaalin shaqada looga eryay ayaa lagu yiri “usbuucii la soo dhaafay, waxaa naloo sheegay in saddex shaqaale oo aan qaadan talaalka COVID-19 iyadoo shaqalaha kale ay ku jiran gudaha xarunta.

Jeff Zucker, oo ah maamulaha CNN ayaa sheegay in qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha looga baahan yahay inuu qaato talaalka si uu u soo galo xarunta.

“ Waana in lagu tallaalaa si aad awood ugu yeelatid ka shaqaynta goobta, shaqaalaha kale, xataa haddii aadan soo galin xafiiska.ayuu yiri Jeff.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here