Shaqaalaha dawladda Ciraaq oo kulayl awgii loo fasaxay.

0
234

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Dowladda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday afar maalmood oo fasax ah oo la siiyay shaqaalaha dowladda kadib markii heerkulka dalkaasii uu gaaray 50c.

Dhawr ka mid ah magaalooyinka dalkaasi ayaa kaalinta koowaad ka galay liiska meelaha ugu kulul adduunka.

Kuleylka awgii ugu yaraan 10 gobol ayaa hakiyay shaqada inta badan shaqaalaha.
Dekada koonfureed ee Basra, halkaas oo heerkulku si gaar ah u sarreeyo, waxaa ka bilaabmay fasax afar maalmood ah oo shaqaalaha dawladda la siiyey.

In kasta oo ay xafiisyada aanay joogin shaqaale badan haddana qaar badan ayaa sheegaya in dhibtaadadu sii taagnaan doonto maadaama oo laydh la’aanta jirta awgeed aanay heli karin qaboojiyeyaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here