Shacabka Zambia oo u dareeray doorashada Baarlmaanka iyo madaxtinimada dalkaas

0
258

Baydhabo(Radio Arlaadi)-In ka badan todobo milyan oo ka mid ah dad weynaha Zambia ayaa u dareerary cod bixin si ay usoo doortaan golaha baarlmaanka iyo madaxweynaha hoggaamin doona dalkaas sanadaha soo socda.

Murashixiin garaya 16 ayaa u tartamaya madaxtinimada dalka Zambia laakin waxaa la saadaalinaya in loolanka adag dhax mari doono madaxweynha talada haya Edgar Lungu iyo hoggaamiyaha mucaardka Hakainde Hechilema ee hoggaamiya xisbiga Midowga Hormarinta Qaranka.

Doorashadaan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo ay Zambiya ka jirto dhqaala xumo iyo dhibaatada cudurka safmareenka ah ee Karoona Fayras.

Natiijada rasmiga ee doorashadaan ayaa la filaaya inay soo baxdo maalinta sabtida ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here