Shacabka Xaafada Wadajir Ee Magaalada Baydhabo Oo Si Isxilqaan Ah Ku Dhisanaya Wado Halbowle U ah Isu Socodka Dadka Iyo Gaadiidka.

0
312

Wadadani ayaa muhiim u ah isu socodka Bulshada iyo Baabuurta Waxaana  si Xilqaan ah u  dhisanaayaan Shacabka ku Nool Xaafada Wadajir  Ee Magaalada Baydhabo Xarunta Gobollka Baay.

Wadadaan ayaa waxey isku Xirtaa Suuqa iyo Xaafada  Wadajir Taasi oo hormarta Isbitaalka Weyn Ee Gobollka Baay,Waxeyna Markii  Hora Wadadani  aheyd mid aad  uga muuqatey burubur aad u weyn .

Bulshada Xaafada Wadajir ayaa  iska kaashadey  dhismaha wadada Xaafada Wadajir  waxeyna ay  sameeysteen gudi ka shaqeynaya  Aruurinta lacagtii lagu dhameystiri lahaa dhisamahaasi.

Warkan waxaa inoo haysa Maryaan Maclin Abshiir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here