Shacabka Degmada Waajid ee Gobalka Bakool oo si isxilqaan ah ku dhisaya Garoonka Diyaaradaha ee Degmadaasi.

0
288

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Shacabka ku Nool degmada waajid ee gobolka Bakool Oo Uu Horkacayaan Gudoomiyaha Maamulka Degmada Cabdulaahi Yariisow, guodoomiye kuxigeenka, gudoomiyaha arimaha bulshada, labada urur dhalinyarada iyo haweenka degmada waajid ayaa waxay dib u habeen ay ku sameyeen garoonka diyaaradaha degmada waajid ee macalin isaaq oo mudo sanado ah uu bur bursanaa,Iyadoo uu san leheyn xiligaani adeegyadii loogu talagay.

Shacabka iyo maamulka ayaa waxay wadaan sidii ay u hagaajin lahaa garoonka, sidoo kale waxaa ay ka jarayaan geedihii kuyaleen agagaarka garoonka si ay usoo baxdo bilicda iyo quruxda garoonka diyaaradaha Macalin Isaaq.

Warkan Waxaa noo heya Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here