Sevilla Oo Shaacsiay Halka Waddo Ee Ay Isaga Iibin Karaan Kounde , Chelsea Waa Sidee Rajadeeda?

0
323

Aagaasimaha kooxda Sevilla ee Monchi ayaa qiray in Jules Kounde laga yaabo in kooxda caawa ka huleelo waa haddii la helo koox diyaar la ah bixinta lacagta ay dalbanayaan

Sky Sport ayuu  goor dhaw ka sheegay “waa jiraan dalabyo aan ka helnay  Chelsea balse waan ka diidnay , haddii haatan lala yimaado qiimaha aan dooneyno waan iibineynaa”

Waxa uu sheegay in aysan aqbaleyn wax ka yar 80 milyan oo euro ” aan aragno suuqa weli saacado ayaa ka harsan ayuu sii raaciyay

Agaasimahaas waxa uu xusay in Chelsea weli dalab cusub aysna keenin marka laga yimaado kii biloowga todobaadkaan lagu celiyay

Dhanka kale Chelsea ayaa Atrletico Madrid hor dhigtay dalab cusub oo ah amaah ay ku qaataan Saul ugu dambeynna ay iibsanayaan , waxaana haatan jawaab laga sugayaa kooxda reer Spin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here