Sergio Ramos oo kala doortay Kooxaha Manchester United iyo Manchester City

0
260

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Sergio Ramos ayaa la soo warinayaa inuu kala doortay labada kooxood ee ku xafiiltama Magaalada Manchester ee Man Utd iyo Man City.

Kabtankii hore ee Real Madrid, Sergio Ramos ayaa la soo warinayaa inuu door-bidayo inuu ku biiro Manchester United, halkii uu xagaagan ku biiri lahaa kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City.

35-sano jirkaan ayaa noqon doona beeca xorta ah marka uu dhammaado qandaraaska uu kula jiro Real Madrid dhammaadka bishaan, taasoo soo gabagabeyn doonta 16-sanadood oo uu ka tirsanaa kooxda ka dhisan caasimadda Spain.

Jariiradda AS ayaa warinaya in labadaba kooxaha Man United iyo Man City ay diiradda ku hayaan Ramos oo ay doonayaan saxiixiisa, laakiin Taariikhda iyo Weynaanta ay leedahay kooxda Ole Gunnar Solskjaer ay garoonka Old Trafford u soo jiideyso daafacan reer Spain.

Wararku waxa ay sidoo kale intaa ku darayaan in kooxda Paris Saint-Germain ee ka dhisan faransiiska ay doonayso inay Ramos geysto horyaalka Ligue 1, isla markaana uu yahay daafaca ay door-bideyso PSG.

Man United ayaan ahmiyadda siineynin saxiixa daafac dhexe, maadaama ay haatan wadahadallo kula jiraan Borussia Dortmund oo ay ka doonayaan laacibka reer England ee garabka uga ciyaara Jadon Sancho.

Ramos ayaa 671 kulan u saftay Real Madrid tartammada oo dhan, waxaana uu u dhaliyey 101 gool, isagoo kula guuleystay kooxda 22 koob.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here