Sergio Ramos Oo Furtay Akoonka Goolasha Kooxda PSG

0
276

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xiddiga Sergio Ramos ayaa ugu dambayn goolkiisii ugu horeeyay u dhaliyay kooxdan PSG kulankii ay Kooxdiisu garaacday kooxda Stade de Reims kulan ka tirsanaa horyaalka Ligue 1.

Daafaca dhexe ee Sergio Ramos ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda PSG tan ilaa markii uu ku biiray kooxda xagaagii kadib markii uu isaga tagay kooxda Real Madrid.

Sergio Ramos ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay guul weyn oo 4/0 ah isaga oo isla markaas ka caawiyay in ay shabaqooda ilaashadaan kulanka isla markaas guul weyn gaadhaan.

Ramos ayaa si weyn ugu dhibaatooday in uu saamayn ku yeesho kooxda PSG tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda xagaagii sabab la xidhiidha dhaawacyo joogto ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here